Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo xalay weeraro ka fuliyay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo Al Shabaab xalay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad ayaa waxaa Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Buulofoolyo oo hoosta degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Sidoo kale Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyo kale oo ay Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanada Arbacow iyo Calamada ee duleedka M/ Muqdisho.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi oo ahaa kuwa is xig xigay.

Illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weeraradaasi.

Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo xalay weeraro ka fuliyay gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this