Sign in to follow this  
Deeq A.

Fartaag oo si carro leh uga hadlay arrin xukuumada Kheyre ay ku calaameysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid  ah aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inaanu yeeli doonin in qaran-dumis lagu caleemeeyo, oo wax dalka aan dan u ahayn la ansixiyo.

Waxa uu si kulul ugu fal celiyay xeerka wax ka badalka iyo ansixinta ay mariyeen baarlamaanka Somalia, kaasoo khuseeyay sharciga Bankiga Dhexe oo la filaayo in loo magacaabo dhaqaaleyahan jinsiyadiisa Soomaali aheyn oo u dhashay dalka UK.

Senator Fartaag ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in golihii sharci dejinta ay meel mariyaan sharcigaasi oo uu sheegay inuu dhaawacaayo muwaadinka Soomaaliyeed ee wax bartay iyo kan aan wax baran, lidna ku ah qaranimada Soomaaliyeed in nin ajnabi ah dartiis oo loo dhiibi rabo xil loo badalo qodob dastuurka ka mid ah.

Wuxuu sheegay in aqalka sare ee baarlamaanka uu ka tirsan yahay inaan lasoo marin doonin sharcigaasi, ayna ansixin doonin oo ay diidi doonaan.

Wuxuu isweydiiyay in dalka iyo dibada laga waayay dhaqaale-yahano Soomaaliyeed oo wax soo bartay, hadii laga waayayna, Jabuuti iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ma laga duon doonay.

Wuxuu isweydiiyay haddii la ogolaado in nin ajnabi ah oo diinteena haysan loo dhiibo bankiga diintee ayaa lagu dhaarinayaa, ma bible ayaa lagu dhaarin doonaa.

“Inta qalbi dhagax la dhiibay ayaa a leeyahay muwaadiniin ayaa nahay, anagana qaran dumis ayaa tihiin, inta amin caamir lacag la siiyo” ayuu si kulul u yiri Senator Fartaag oo ugu danbeyntii wacad ku maray inaan la iska daba hari doonin ilaa masaajidka, sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this