Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Axmed Madobe oo arrin halis ah ka dhex billaabay shacabka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi inay arrin halis ah ka billaabaan gobolka Gedo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in uu jiro qorshe billowday oo la isaga hor-keenayo, islamarkaana colaad looga dhex abuuray dadka degan gobolka Gedo, si looga faa’iideysto.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen madaxda Jubaland iney mas’uul ka yihiin deganaanshiyo la’aanta ka jirta gobolka Gedo.

Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in  Madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Koowaad, Maxamuud Sayid Aadan ay mas’uul ka yihiin arrintaasi.

Waxa ay sheegeen in aysan xilligan dan ka lahayn shacabka Gedo, islamarkaana ay bilaabeen iney iska horkeenaan shacabka gobolkaasi ku nool.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in mar ay ahaataba ay iman doonto waqti lala xisaabtamo dadka ay sheegeen inay dhibaatada ku hayaan bulshada gobolka Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso xildhibaanada

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/jubaland.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this