Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarii lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan aad u  daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee waxa loogu yeero argagaxisada ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saxaafadeed.jpg
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this