Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha guurtidas oo bari kulamo fool ka fool ah la yeelan doona xisbiyada qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan mudo kordhinta loo samynaayo golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa maalinta bari ah kulamo fool ka fool ah la yeelan doona sadexada xisbi qaran, ee Waddani,Kulmiye iyo Ucid kulankani ayaa bari ka dhici doona xarunta golaha Guurtida guurtida ayaa sadexda xisbi mid walba gaarkiisa u arki doona mid kastana dhegaysan doona fikirkiisa ku aadan xiliga ay qabsoomi doonaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku.

Kulankani ayaa imanaaya xili xisbiga Waddani uu cadeeyay in ay jecelyihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, hase ahaatee gudiga doorashooyinka qaranku ayna ahayn kuwo dhex ka noqon kara doorasho danbe oo ay qabtaan, waxna ay mudooyin badan soo jeediyeen in la kala diro gudiga doorashooyinka ee hada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen doorashadii hore ee madaxweynaha dalka loogu tartamaayay.

Xaga xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay ku midoobeen in sidaasi lagu galo doorashooyinka oo la daayo gudiga doorashooyinka oo ay iyagu si buuxda kalsooni u siiyeen, arintaasi oo muran badan kala dhex dhalisay xisbiyada qaranka oo keentay in madaxweynahu uu golaha guurtida ka codsado in mudo kordhin ay u sameeyaan golayaasha wakiilada iyo deegaanka

Xiligii doorashadii madaxweynaha ayaa qaladaad badan oo ay galeen gudiga doorashooyinku lagu arkay dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo ay dalka ka codeeyeen caruur aan qaadhin iyo iyada oo dad aan joogin ama geeriyooday kaadhahdhkoodii lagu codeeyay iyo iyada oo xukumaddu iibsatay kaadhadhkii dadka danyarta ahaa gacanta ku hayeen arintaasi oo ayna waxba ka qaban gudiga doorashooyinku, inkasta oo ay arkayeen arimahaasi foosha xun

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this