Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuca mooshinka Cusub Ee Ajanabiga loogu dhiibayo Bangiga Dhere ee Somaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashruuca mooshinka Cusub
Ee Ajanabiga loogu dhiibayo
Bangiga Dhere ee Somaliya

Talaabooyinka lama filaanka ah ee ay qaadayaan Madaxda Maamulka Somaliya, Waa mid horseedi kara burbur fool Xun iyo Dagaalo Sokeeye, oo ay si fudud u Galiyaan Ummada Somaliyeed.

Talaabada lagu wareejinayaa Maamulka Bangiga Dhere ee Somaliya maaha mid la dhayalsan karro, waxaana ka dambeeya oo dabada ka Riixayo Dowlado ficilo kharbudaad ah Doonaya in ay hirgalyaan Geeska Africa.

Waxaynu la soconaa in Dowlado ay ka mid tahay Dowlada Qadar oo Gacan saar la leh Maamulka Muqdisho in ay lacag badan ku siiyaan Sidii ay khakhal ugu galin lahaayeen ama ugu Afgambiyi lahaayeen Maamul Goboleedada , iyo Xoogaga Mucaaridka ah ee ka soo Horjeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia, sida Dowlada Somaliland iyo Qaar kale.

Waxaanay Dowlada Qadar Maamulka si toos ah u siisay dhawaan lacag Farabadan, oo loogu tala galay in Madaxda Maamul Goboleedada lagu khaarajiyo sida ka dhacday meelo dhowr ah.markii Dambana ay fashiliyeen Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Baarlamaanka Somalia, in lacagtaasi loo isticmaalay hagardaama Dalka.

Arrintani waxay keentay in Maamulka Somalia lagu Amro in Maamulka Lacagta iyo Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanabi ah , maadaama ay Qarsoomi waayeen howlgaladii lagu fuliyey lacagahaasi la soo diray.

Sidaa awgeed waxaa lama huraan noqotay in Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanibi ah, si lacagaha Dambe ee loogu tala galay kharbudaada Daalkaasi ay u noqoto mid QARSOODI ah oo ku kooban Madaxda Sarre ee Maamulka Somalia. Sidaa darteed waxaa Haboon in ildheer loo lahaado dibindaabyada Maamulka Muqdisho u Maleegayo Shacabkiisa.

Alla Mahad leh

Ali Mahamed Waranade

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this