Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg Ah: Baarlamaanka Ingiriiska Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Heshiiskii Ka Bixitaanka Midawga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London) Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii Raysal Wasaaraha Ingiriisku soo hor dhigtay ee ka bixitaanka Midawga Yurub .

202-cod ayaa u codeeyay heshiiska halka ay diideen 432. Sidaana waxaa ku guul daraystay Dadaalkii Raysal Wasaare May ay muddooyiniii danbe oo dhan ka shaqaynaysay.

7C3F53B0-DD66-41D7-BDF6-F6F4E9FF1F6A-102

Lama garanaayo Diidmada caawa ee Baarlamaanka waxa ka dhalan doona iyo talaabada xigi doonta iyadoo siwayn isha loogu hayo suuqyada Ganacsiga oo saamayn ay arrintani ku yeelan doonto. Sidoo kale waxa la filayaa in Doorasho Deg Deg Ah la galo maadaama oo ay guul daraysatay Raysal Wasaaruhu.

Somalilandtoday/London/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this