Deeq A. Posted January 15, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ku dhowaad 47 qof ay ku dishay weerarkii Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee Kenya. Warbaahinta maxaliga ayaa dhankeeda ku waramaysa in Shan ruux la xaqiijiyay inay illaa iyo haatan ku dhinteen. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen ay la wareegeen ciidamada amniga. Ma uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka wax udhaceen iyo khasaaraha guud ee dhashay. Isbitaalada magaalada ayaa dalbaday gurmad Dhiig ah, maadaama ay buux-dhaafiyeen dad badan oo waxyeelo ay soo gaartay. The post Xogtii ugu dambeysay ee laga helayo weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites