Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo shaaciyay tirada dadka ay ku dileen weerarkii Nairobi-Aqriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay tirada dadka ay ku dileen weerar gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

War qoraal ah oo Al Shabaab oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay Hotelka ku yaala magaalada Nairobi ay ku dileen 47 ruux oo ku sugnaa gudaha Hotelka.

Qoraalka ayaa lagu  sheegay in meydad badan ay daadsan yihiin goobta weerarka ay ku qaadeen, balse qoraalka Al Shabaab laguma cadeyn tirada dadka weeraray hotelka DusitD2.

“Dhimashada ka dhalatay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi sida macluumaadka hordhaca ah aan ku haleynayo waa 47 qof, meydad badan ayaa daadsan halka weerarku ka dhacay wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay inta badan ciidamada amaanka qabsadeen dhamaan dhismayaasha Hotelka uu ka kooban yahay, balse waxaa cabsi ay ka taagan tahay qeybta sare ee Hotelka.
Kenya Wali Faahfaahin kama aysan bixin waxyeelada ka dhalatay weerarka, laakiin dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay arkeen Afar ruux oo gudaha u galayay Hotelka.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this