Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaallada raggii weeraray Nairobi oo la helay iyo weerarkii oo lasoo geba-gebeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ka socday Gudaha Hotel Dusit oo ay galeen Al-Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada ay hubiyeen dhammaan dhismaha oo saddexdii galabnimo ee maanta ay ka dheceen qaraxyo iyo is rasaaseyn taas oo ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada ay soo gaba-gabeeyeen.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka, kadibne ay gudaha u galeen Dableydii Saacadaha Hoteelka heysatay.

Ciidamada Kenya ayaa wax ka badan 8 Saacadood ayay la tacaalayeen sidii ay usoo afjari lahaayeen Kooxda wax weerartay, iyada oo Dowladda Kenya wali si rasmi ah uga hadal khasaaraha ka dhashay weerarka iyo hadii ay wada togteen dableydii weerarka qaaday.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay lambaro kala duwan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay.

In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, halka ay dhaawacmeen in ka badan 30-kale, waxaana la geeyay isbitaalada, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegtay in ay ku dileen in ka badan 47-qof, tiro intaa badane ay dhaawaceen.

Sawirro lagu baahiyay New York Times waxaa ka muuqda dad fadhiyay Baar oo jirkooda ay ka muuqato Rasaas, kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.

Screen-Shot-2019-01-15-at-4.27.26-PM.pngScreen-Shot-2019-01-15-at-4.27.11-PM.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this