Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Mursal oo gaarey magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Aqalka Hoose oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen iyo xubno kale.

Mr Mursal ayaa kaga qaybgalaya Baydhabo xaflada caleemo-saarka Madaxwayne Laftagareen, taasi oo la rajaynayo inay caasimad goboleedka Bay ay ka qabsoonto maalinta Berri oo Arbaco ah.

The post Gudoomiye Mursal oo gaarey magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this