Deeq A. Posted January 15, 2019 Baydhabo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed. Gudoomiye Aqalka Hoose oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen iyo xubno kale. Mr Mursal ayaa kaga qaybgalaya Baydhabo xaflada caleemo-saarka Madaxwayne Laftagareen, taasi oo la rajaynayo inay caasimad goboleedka Bay ay ka qabsoonto maalinta Berri oo Arbaco ah. The post Gudoomiye Mursal oo gaarey magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites