Deeq A. Posted January 15, 2019 Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xaaf ayaa hoteelka waxa uu shir kula lahaa madax ka tirsan Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug. Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xaaf, haatan waxa uu yahay mid baq-qaba, isaga oo ay soo badbaadiyeen ciidamada amniga. Madaxweyne Xaaf oo cambaareeyay weerarka ayaa ku tilmaamay weerarka “wax laga xumaado iyo naf la caarinimada ahaa”. Weerarka lagu beegsaday Hoteel-ka Dusit oo Galbeedka kaga yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab. The post MD Galmudug oo ka badbaaday weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites