Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaabka galay hotel-ka Nairobi oo xiran jaakado aysan xabada karin + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa weerarka ka socda hotel-ka Dusit ee ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado.

“Dad badan ayay gudaha ku haystaan, waxaana sugaynaa inaan helno taageero dheeri ah, si aan u galno hotelka” ayuu yiri sarkaal boolis oo warbaahinta la hadlay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan.

Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit.

“Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

1878353.jpg 1878357.jpg 1878359.jpg 1878361.jpg Nairobi-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this