Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo sheegtay inay xoreeyeen lix dabaq iyo wararkii ugu dambeeyey weerarka Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Kenya ay xoreeyeen lix ka mid a toddobada dabaq ee uu ka kooban yahay dhismaha ay galeen Shabaabka ee hotel DusitD2.

Waxa uu sheegay in weerarkii koowaad uu ka dhacay meel u dhow bankiga I&M, laguna fuliyey qarax lala beegsaday saddex baabuur oo taalay banaanka.

Qaraxa labaad ayuu sheegay inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo beegsaday albaabka laga galo dhismaha, taasi oo u suurta-gelisay in kooxda weerarka soo qaaday ay gudaha galaan.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana uu Bonnet sheegay in rasaas ay is-weydaarsanayaan kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Boinne ayaa shacabka uga diay inay baahiyaan sawirrada laga qaaday dadka meydka ama dhaawaca ah, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’ideysan karaan Shabaabka.

Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this