Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Sawirro & Faah-faahin Dagaal, Is-rasaaseyn &  Qaraxyo ka Socda Hotel ku yaal Badhtamaha Nairobi+Khasaaraha 

Recommended Posts

Deeq A.   

Sawirro+Faah-faahin: Dagaal Is-rasaaseyn &  Qaraxyo ka Socda Hotel ku yaal Badhtamaha Nairobi+Khasaaraha

Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil.

“Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan.

qarax-Dusit-1.jpgqarax-Dusit-2.jpgqarax-Dusit-3.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this