Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay guddoomiye Laameed Oo ka dhacay Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee G/ Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay waaxda labaad Barwaaqo ee degmadaasi.

Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhawaacmay mid kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Dayniile Axmed Nuur Adeerow.

Qofka dhintay ayaa ahaa guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi, halka kan dhaawacmayna uu ahaa qof shacab ah.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Deyniile.mp3

 

The post Qarax lagu dilay guddoomiye Laameed Oo ka dhacay Dayniile appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this