Deeq A. Posted January 15, 2019 Nairobi (Sh.M.Network) – Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo, oo ay xigtay rasaas oo ka dhacay caasimada Kenya ee Nairobi. Qaraxyadda oo lagu beegsaday Hoteelka Dusit ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen tirro intaas ka badan oo ka badan 10. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan, sidda ay ku beehisay baraheeda Internet-ka. Dhismaha la weeraray ayaa ka kooban Hoteelo, Bankiyo iyo xafiisyo ay degan yihiin hay’addo caalami ah. Bishii April 2-deeda, 2015, ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ku dishay 148 ruux weerar ay ku qaaday Jamaacada Garissa, ee Koonfurta dalka Kenya. The post Al-Shabaab oo sheegatay weerar ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites