Deeq A. Posted January 15, 2019 Maleeshiyaadka Golis iyo Eneeye Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta dagaal ku dhexmaray malayshiyaad kala taabacsan shirkadaha Golis iyo Eneeye. Ilaa laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo malayshiyaadka labada shirkadoodu ku dhexmaray isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay ehelada dadka dhaawacmay. Ciidamada amniga Puntland oo halkaasi gaaray ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah malayshiyaadkii dagaallamay halka qaar kalena ay goobta ka carareen,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. PUNTLAND POST The post Shirkadaha Golis iyo Eneeye oo ku dagaallamay Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites