Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray khilaafka labada aqal (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimdada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka.

Dhowaan ayaa aqalka sare waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray aqalka hoose, oo uu ku eedeeyey inuu isku koobay awooddii sharci dejinta dalka, islamarkaana awoodihii dastuuriga ahaa ee aqalka sare uu la wareegay.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn.

Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan.

Halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo.mp3-sax.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this