Deeq A. Posted January 15, 2019 Nairobi (Caasimada Online) – War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay weerar qaraxo ku billowday oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya. Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit. “Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites