Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo gaaray M/ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladaasi mas’uuliyiinta maamulka K/ Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ujeedka xubnahani ay u tageen Baydhabo ayaa ah ka qeyb galka xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Lafta Gareen.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka ambabaxan wafdi kale uu hor kacayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mursal Sheekh C/raxaan oo sidoo kale ka qeyb galaya munaasabadaasi.

Ammaanka si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada dheeraad ah lagu arkayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Lafta Gareen ayaa beri oo Arbaco ah ka dhaceysa xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo gaaray M/ Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this