Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo agab ugu deeqday Booliska Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa agab kala duwan ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM.

Qalabka loogu deeqay Booliska Soomaaliya ayaa isagu jira qalab xafiiseedyo, kumbuyuutaro iyo kaamirooyin ay ku howlgali doonaan ciidamadaasi.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliika Soomaaliya Zakiya Xuseen oo goob joog ka aheyd musaabadda lagu guddoonsiinayey agabkaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Maxwell Chikunguru oo xiriirka u qaabilsan Booliska AMISOM oo halkaasi khudbad ka jeediiyay ayaa xusay in AMISOM ay sare u qaadeyso taageerada iyo tababarada ay siiso ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga dalka.

Waxaana u intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya oo si weyn ugu faa’iideystay taageerada AMISOM ay wax badan ka qabteen dhinaca sugida ammaanka dalka.

Booliska AMISOM ayaa sanadihii ugu dambeeyay sare u qaaday tababarada ay siiyaan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa dowladd goboleedyada dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo tayeynta ciidamada Soomaamliya.

The post AMISOM Oo agab ugu deeqday Booliska Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this