Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni Oo Qaabilay xubno ka socday Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey.

kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Puntland.

Dhinaca kale Madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaartay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka dhacday Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas.

The post Madaxweyne Deni Oo Qaabilay xubno ka socday Shiinaha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this