Deeq A. Posted January 15, 2019 Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Ciidamadan oo watay Gaadiid Gaashaaman, kana soo gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cali-Buley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Sidoo kale Ciidankan ayaa jirdilay mid mid ah shaqaalaha Shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah. Waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaanada Cali-Buley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan gobollada Jubada Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray xarunta la Gubay. Xarumahan ayaa Shacabka deegaanadaasi siin jiray adgeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka ku dhaqan halkaasi. Waa markii labaad oo ay Ciidanka Kenya burburinayaan xarunta Shirkadda Hormuud ee Cali-Buley , iyagoona Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay, sidan oo kale cagta u mariyay xaruntaasi. Sidoo kale waxa ay horay burburiyeen xarumo kale oo ku yaallay deegaanada Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ka wada tirsan Gobolka Gedo,. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay ina y Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku lee yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya ay dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ciidan Kenya Oo gubay xarun ay laheyd Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites