Sign in to follow this  
Deeq A.

100 Maalmood Kaddib, Xagee Ayuu Ku Dambeeyay Dilkii Jamaal Khaashuqji?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-RiyaXoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku jooga dalka Sucuudi Carabiya, welina waxa uu raadinayaa jawaabo ku aadan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, xilli dhanka kalana uu isku dayayo inuu xoojiyo xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya boqortooyada.

Jamaal-Khaashuqji.jpg

Mr Khaashuqji ayaa ku noolaa dalka Mareykanka hasayeeshee waxaa dabayaaqadii sanadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga, dilkiisana waxa uu madmadow soo kala dhexgaliyay xiriirkii u dhaxeeyay Riyaad iyo Washington.

Haddaba todobaadkan ayey 100 maalmood ka soo wareegatay dilka weriye Jamaal Khaashuqji, dadkuna waxa ay isugu soo baxayeen bannaanka hore ee qunsuliyadda si ay u xasuustaan iyo weliba sidii ay cadaalad ugu raadin lahaayeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this