Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Madaxda Jubbaland Oo Lagu Eedeeyey Deganaansho La’aanta Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi iney mas’uul ka yihiin deganaanshiyo la’aanta ka jirta gobolka Gedo.

Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in  Madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Koowaad, Maxamuud Sayid Aadan ay mas’uul ka yihiin arrintaasi.

Waxa ay sheegeen in aysan xilligan dan ka lahayn shacabka Gedo, islamarkaana ay bilaabeen iney iska horkeenaan shacabka gobolkaasi ku nool.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-XIL-JUBBALAND.mp3-sax-2.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this