Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Taliska Ciidamada Soomaaliya Iyo Qatar Oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa isniintii Xafiiskiisa ku qaabilay General Maxamuud Al Qasaal iyo Saraakiil ka socotay  Taliska Milatariga Dalka Qatar.

kulanka ayaa looga Hadlay Xariirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo  Iskaashi  Xariir u dhax Mari lahaa  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  iyo Ciidanka Dalka Qatar.

General Maxamuud Al Qasaal ayaa Tilmaamay in Qatar ay Soomaaliya ka Caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya.

qiimo1.jpg qiimo2.jpg qiimo3.jpg qiimo4.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this