Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In La Xallinayo Khilaafka Labada Aqal Ee BFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn.

Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo.mp3-sax.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this