Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada J/land Oo eedeeyay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Nuur Bulle Dhaay iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo shalay gaaray degmada Baardheere ee G/ Gedo ayaa waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka ka jira gobolkaasi.

Ugu horreyn xildhibaanadan ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen in uu dayacay shacabka gobolkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in in nidaam darrada iyo dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ay mas’uul ka yihiin madaxda sare ee Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dibadbaxyo ka dhan maamulkaasi shacabka Gedo ay ka dhigayeen degmooyinka gobolkaasi.

The post Xildhibaanada J/land Oo eedeeyay Axmed Madoobe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this