Sign in to follow this  
Deeq A.

Vedio: Madaxweyne Farmaajo: “Mooshinka waxaa keenay kooxda Qabyo, qabyo ayuuna ahaa.”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo kadib wuxuu ka hadlay sheeko dhexmartay isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka markii laga keenay mooshinkii isaga ka dhanka ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkiisa wuxuu u muuqday weerar uu ku qaadayay xildhibaanada Mucaaradka ee taageersanaa dowladii ka horeysay iyo madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay markii mooshinka laga keenay inuu la xiriiray guddoomiyaha baarlamaanka oo xiligaasi gacanta ku dhigay mooshinka, isaga oo sheegay inuu weydiiyay cidda Mooshinka keentay.

Wuxuu sheegay inuu ogaaday in kooxdii Qabyo ay keeneen mooshinka, isaga oo weydiiyay Guddoomiye Mursal inuu wax badan ka eego warqadaha mooshinka maadaama ay keeneen xildhibaanada mucaaradka ee taageersan Xasan Sheikh.

“Markii mooshinka la keenay waxaan la xiriiray guddoomiye Mursal, waxaan weydiiyay mooshinka muxuu yahay, yaase keenay, wuxuu ii sheegay in Kooxda Qabyo ay keentay, waxaan ku iri naga fiiri hee armuu qabyo yahay”.

Hoos ka daawo Muuqaalka

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this