Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo arin oo laga bartay ansixintii Shalay ay sameeyeen xildhibaanada Golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay wax ka badalka xeerarka Bangiga Dhexe iyo Hanti dhowrka Qaranka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay.

Kulankii Shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa laga bartay labo arin oo kala ahaa awoodaha ay kala leeyihiin xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa muxaafadka ah.

Waxaa muuqata wali awooda xildhibaanada muxaafadka ah ee taageersan xukuumadda ku dhex leeyihiin baarlamaanka, maadaama shalay arinta Bangiga dhexe oo xasaasi aheyd ay xildhibaano badan meel mariyeen.

Arinta labaad ee laga bartay kulankii shalay ayaa ah in xildhibaanada mucaaradka ah aysan awood badan ku laheyn kulamada baarlamaanka, maadaama shalay tiro aan dhameyn 20 xildhibaan ay ka hor yimaadeen ansixinta xeerka Bangiga dhexe.

Waxaa la isweydiinayaa tirada xldhibaanada mucaaradka ah oo lagu sheego inay gaarayaan 70 ilaa 90 xildhibaan, halkey shalay aadeen, ma tirada ayaa been abuur ah, mase xildhibaanada ayaa iyaga oo mucaaradka ah xaadiri waayay baarlamaanka oo guryahooda natiijada ku sugayay.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in muxaafadka uu hadda ka badan yahay mucaaradka, taasina ay ugu wacan tahay xildhibaano badan oo xukuumadda ku jiro iyo kuwo xukuumadda ay soo dhaweysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this