Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

FB_IMG_1547521224619.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521227029.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521231478.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521233755.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521247379.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521242909.jpg?resize=552%2C36

FB_IMG_1547521237202.jpg?resize=552%2C36FB_IMG_1547521254512.jpg?resize=552%2C36

DHAMMAAD

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this