Deeq A. Posted January 15, 2019 Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu wasiirada badan adduunka…wasaarad kasta waxaa u shaqataga seddax wasiir oo badankooda aan aqoon buuxda u lahayn howsha ay u xilsaaran yihiin ama laga rabo inay fuliyaan. Ma jiraan waxa lagu magacaabo JOB DESCRIPTION howl tilmaame qeexaya oo lagula xisaabtami karo wasiirki fuli waaya howsha loo xilsaaray. Tirada Wasiirada waa 26X3=78 !!! Waxaa la hubiyay in dalka ay ka shaqeeyaan LABA WASAARAD oo kala ah R/Wasaaraha iyo Maaliyadda oo shaqadeeda lagu soo koobay aruurinta ccanshuuraha laga qaado Gobolka Banaadir oo kaliya. Wasaaradaha Inta soo hartana waa Wasiiro maqaar saar ah oo u jooga meesha inay heystaan booska jufadooda loo qoondeeyay, wax shaqo ahna loogama baahna waxa laga sugaa waa inay daacad ahaadaan oo kaliya. Iyadoo meeshaas mareysa ayaa haddana la magacaabay Guddi Maaliyad oo xoogaa faallooyin ah laga qoray oo weliba ku saleysan aragti aqooneed oo ay soo gudbiyeen dad khubaraa oo ku xeel-dheer dhaqaalaha. Ma la heli doonaa dowlad dhegeysata ama akhrisa waxa laga qoro si ay uga faaiido talooyinka loo soo gudbiyo, mase waxay ku taagan tahyay inay dowladdu sax tahay, dadka kalena ay khaldan yihiin. Guddigaan la magacaabay xagguu uga jiraa dhismaha “structureka” xukuumada..dad aan aqoon buuxda u lahayn howsha laga sugaayo maxay guddi ka qaban karaan, mase waa lug-gooyo loogu tala galay inaan waxba kala socon ee laysku qafilnaado? GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE Waxaa soo baxday in loo magacaabo ruux ajnabi ah oon dalka u dhalan. Haddaba su’aasha la isweydiinayo waxay tahay qof dalkaan u dhashay ma la waayay, mase kuwa talada dalka ugu sareeya laftooda ayaa ajnabi isu heysta, taasoo micnaheedu yahay qof ajnabi ah aysan joogin dalka, xuquuqdana loo wada siman yahay cid cid kale ka xigtana aysan jirin. Laga yaabee inay tahay fikradda ay qabaan madaxda dalka ugu sareysa oo isu aragta NUS WADANI NUS AJNABI Ma laga yaabaa mustaqbalka in Madaxweyne loo doorto qof dal kale u dhashay oo asalkiisu ka duwan yahay kan Somalida? Sidey arrimuhu u socdaan wax kasta ka filo nimanka talada haaya!!! MUCAARID IYO MUXAAFID MAXAA SOO RAACA Nasiib darrada na heysata waxaa ugu weyn in aysan Farmaajo iyo Kheyre ay ka hoos baxday inay jiraan qeyb seddaxaad oo soo raacda mucaaradka iyo muxaafidka…waxay u arkaan in cid kasta oo ka hadasha howlaha dowladda ay mucaarad tahay iyadoo muxaafidku uusan ka hadlin sida ay u wax u jirtaan, balse ay yihiin dad u hogaansan wax alla wixi ka soo baxa labadan ruux sax iyo khalad waxay doonaan ha ahaadeen. Haddaba, waxaa jirta qayb seddaxaad oo lagu magacaabi karo KORJOOGTO (observers) oo arrimaha u arka si ka duwan aragtida qaybaha kale ama meesha ay wax ka fiirshaan. Qofka khaladkaaga arka kuuna shega kuma necba. Cilmiyan dadku isku si wax uma wada arkaan oo qofbaa wuxuu arkaa wax dadka intiisa kale aan u muuqan, waana dadka lagu magacaabo MOWHUUB oo caqliyad iyo aragti ka duwan kana xeeldheer dadka intiisa kale ay u muuqdaan. Dadka noocaas ah aad iyo aad ayaa loo raadiyaa oo laga faaiideystaa si ay mujtamaca wax ugu kordhiyaan. Tallaabooyinka ay qaadaayaan Farmaajo iyo Kheyre waa kuwa horseedi doona burbur iyo barakac ka weyn kana dhibaato badan kii na soo maray ee sagaashamediyadii , waxaana muuqata inaysan dan ka lahayn dhibaatada ka dhalan karta tallaabooyinka ay u qadayaan dhinaca dhibaato abuurka iyo islaweynida ay caadeysteen. Waryaa la taliya ee wax u shega intey goori goor tahay…Allow naga soo gaar..AAMIIN. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites