Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma Deni la caleema-saari doonaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la go’aamiyay, in si rasmi ah loo caleema-saaro, 26-ka bishan Jannaayo 2019 oo ku beegan maalin Sabti ah,sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah.

Caleema-saarka madaxweynaha waxaa ka soo qeyb geli doona, mas’uuliyiin ka tirsan Golahayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya,qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka,saraakiil ka tirsan Xisbiga Xassan Sheikh Maxamuud, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Guddiyada qabanqaabada caleema-saarka madaxweynaha ayaa maanta la magacaabay,waxaana ay ka boobanyihiin afar guddi oo kala ah, guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga.

PUNTLAND POST

The post Goorma Deni la caleema-saari doonaa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this