Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa ayaa laga soo wariyay afaafka hore ee Makhaayadda The Village, oo ku taala inta udhaxeysa Isgosyada Banaadir iyo Digfeer.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay arkeen dhaawaca labo ruux, oo uu ku jiro mid caruur ah, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka fulisa guud ahaan dalka.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo hay’addaha amaanka ee dowladda ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga, ayna baaris xoog leh ku sameynayaan baabuurta adeegsaneysa Isgosyada caasimada.

The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this