Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo joojiyay in la dhisto dhulka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay, in la dhisto dhammaan dhulka ay dowladdu leedahay ee ku yaalla magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu amray taliyaha Booliiska Puntland, in uu joojiyo dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisayo dhulka dowladda ee ku yaalla caasimadda Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in madaxweynaha oo keliyah uu awood u leeyahay,bixinta dhulkaasi dowladda,waxaana mas’uuliyiinta warqaddan ku socoto la faray, in ay qabsadan waajibkooda shaqo.

Dhismaha-1.jpg?resize=1000%2C1415&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyay in la dhisto dhulka dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this