Deeq A. Posted January 14, 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi deni ayaa amray, in la joojiyo daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga ah ee lagu farsameeyo degaannada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee dowladda, ayaa madaxweynuhu ku joojiyay,daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga nooc kasta oo ay tahay. Dikreetada waxaa ku xusan, in go’aankan loo qaatay, si kor loogu qaado nolosha shacabka reer Puntland,islamarkaana loola dagaallamo sicir bararka. Mudane Deni ayaa tan iyo markii la doortay soo saaray, dikreetooyin xiriir ah oo dhammaantood cinwaan looga dhigay ereyga“joojin“,waxaana go’aannadan u badan yihiin dhinaca maaliyadda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Deni oo joojiyay daabacadda shiling Soomaaliga appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites