Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Soomaliya Oo Baanka Dhexe Madax Uga Dhigay Shakhsi Ajaanib Ah+Siday Arrintaasi Ku Timi

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Muqdisho) Dawladda Dalkaasi Soomaliya ayaa u xulatay inuu maamulo Baanka dhexe Nin ajaanib Ah oo Lagu magacaabo Nigel Roboerts.

EF4A6C1E-05DB-48F3-A4DF-B06F7CE63AF0.jpe

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay iidheh saartay sanadkii hore wargeyska Economist, iyadoo jago bannaan ka dhigtay jagada guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo la sheegay in cid kasta ay soo codsan karto, iyadoo xilligaasi uu dhaqangal ahaa sharciga Bankiga dhexe oo kaliya ogolaanaya inuu Bankiga hoggaamin kara muwaadin Soomali ah.

Ninka ay dowladda Somalia u soo xushay inuu guddoomiye ka noqdo Bankiga Dhexe ee Soomaliya ayaa la sheegay inuu yahay Nigel Roboerts oo u dhashay UK, isla markaana hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah kasoo shaqeeyay muddo 40 sano ah.

Nigel Roboerts Waqtigiisa intiisa badan wuxuu ku qaatay Afrika iyo Aasiya, isagoo ku noolaa dalalka Malawi, Hong Kong, wuxuuna kasoo shaqeeyay dalalka Thailand, Nepal, Hong Kong, Kenya, Itoobiya, Falastiin iyo Australia.

Wuxuu Bakiga dhexe ee Adduunka ku biiray sanadkii 1981, waa nin ku takhasusay Dhaqaalaha dhinaca Beeraha, wuxuuna kala shaqeeyay Bankiga Adduunka dalalka Kenya, Sudan, Somalia, Uganda iyo Comoros.

Wuxuu Nigel Roboerts shahaadada MA ku heystaa English Literature ee Jaamacadda Oxford, wuxuu kaloo heystaa Shahaadada MPhil ee Agricultural Economics ee Jaamacadda Reading, waxayna wararku sheegayaan in madaxda dowladda Federaalka ay ninkan u xusheen hoggaaminta Bankiga Dhexe.

aqabada kaliya ee hortaagan ayaa ah wax ka bedelka sharciga Bankiga Dhexe kaas oo Isniinta maanta la hor keenay Golaha Baarlamaanka, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in Baarlamaanka hadda jira iska ogolaan doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this