Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa maanta sii deysay muwaadin Soomaaliyeed oo loo heystay ku lug lahaanshaha weerarkii Wastegate Mall oo Al Shabaab sanadkii 2013-kii AY ku qaadeen xaruntaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda Nairobi Francis Andayi ayaa amray in la la fasaxo mid  ka mid ah 4 eedeysane oo u xiran weerarkaasi, kaas magaciisa lagu sheegay Aadan Dheeg.

Eedeysanayaasha kale ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabdi, Liibaan Cumar  iyo Xuseen Mustafa, waxaana Xeer ilaalintu ay xustay in dacwadooda ay markale dhageysan doonto 21 bishani Janaayo.

Sidoo kale xeer ilaalinta Kenya ayaa ku eedeysay raggani in ay xiriir toos ah ay la leeyahay Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn eedeysanayaashani ayaa la sheegay in ay qabteen Kaamirooyinka wax basaasa , xilli ay  gudaha ugalayeen Mall-kaasi intii uu socday weerarkaasi.

Weerarkii Westigate Mall oo dhacay 21 bishii September ee  2013-kii ayaa waxaa ku geeriyooday 67 qof , halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

The post Kenya Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this