Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda cusub Ee Puntland Oo xilalka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, waxgarada iyo qaba kala duwan ee bulshada.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas oo madasha ka hadlay ayaa xilka wareejiyay, kuna booriyay madaxweynaha cusub in howsha uu ka sii wado halkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Deni oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahadceliay madaxdii hore ee Puntland, kuna amaanay waxyaabihii ay qabteen.

Sideedii bishan Janaayo ayey aheyd markii Markii Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash lagu doortay Garoowe, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

The post Madaxda cusub Ee Puntland Oo xilalka la wareegay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this