Deeq A. Posted January 14, 2019 Lusaka ( Sh. M. Network )-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa raadineyso qorshe maal gelin oo ay ka hesho ururka COMESA, kaas oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka koonfurta iyo bariga Qaaradda Afrika. Axmed C/raxmaan Shiiq Nuur oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay heli karto goobo badan oo maal-gashi looga sameyn karo. Waxaana magaalada Lusaka ee xarunta dalka Zambia oo uu kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka COMESA Chileshe Kapwepwe uu sheegay in dalkiisa uu heysto fursad loogu abuuri karo maal gelin caalami ah. Sidoo kale Axmed C/raxmaan ayaa xusay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay hodan ku tahay ay ka mid yihiin Kalluumeysiga iyo xoolaha isagoo xusay in Soomaaliya ay heysato illaa iyo 50 milyan Lo’ah, loogana faa’iideysan karo dhinaca maqaarka. Chileshe Kapwepwe xoghayaha guud ee ururka COMESA oo dhinaceeda sheegtay soo dhaweynta qorshaha maal gelinta ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in Soomaaliya looga baahan yahay waxyaabo badan oo la xiriira hanaanka suuqa xorta ah. Xoghayaha ayaa sheegtay in haddii la sameeyo qorshaha maalgelinta ee xoolaha Soomaaliya ay fursado shaqo siin doonto dhalinyaro badan oo ku nool Afrika. Soomaaliya ayaa ururka COMESA oo ay ku mideesan qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Africa ku biirtay sanadkii hore ee 2018-kii. The post Soomaaliya Oo maal gelin ka dalbatay ururka COMESA appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites