Deeq A. Posted January 14, 2019 Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa milatari ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasaaradda amniga Galmudug oo ka hadashay howlgalladan ayaa sheegtay u jeedkooda uu yahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi. The post Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites