Sign in to follow this  
Deeq A.

G/ Shacabka Oo meel mariyay xeerka Bangiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.

158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale, Xildhibaanada BFS ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u xiray kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay waxyaabihii golaha u qabsoomay kalfadhigan 4-aad.

The post G/ Shacabka Oo meel mariyay xeerka Bangiga Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this