Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo ka digay abaabul uu sheegay inuu ka dhan yahay A/Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu taageero ugu muujiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo dadaalka uu wado ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kuwaasi oo la filayo in dhawaan ay weerar ku qaadaan xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

“Waxaan bogaadinayaa hawlgalka ay hoggaanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubbaland ugu istaageen xoraynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab. Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Federaalka in ay gacan ku siiso maamulka Jubbaland hawlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegannadaas”.

Dhinaca kale Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay inuu ka digayo abaabul madaxtooyada Soomaaliya ay wado oo lagu wiiqayo dagaal dib loogu xoreynayo goobaha ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

“Waxaan kula talinayaa hoggaanka sare ee dawladda, gaar ahaan Madaxtooyada in ay ka waantowdo abaabulka gurracan ee ay ka wado Muqdisho, Gedo iyo Nairobi ee lagu wiiqayo hawlgalka dib u xoraynta. Tillaabooyinkaasi waxay shaki gelinayaan daacadnimada dawlada ee la dagalaanka Shabaab”.

AL Shabaab ayaa ku sugan gobolka jubbada Dhexe waxaana hadda socda abaabulka dagaal ka dhan Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this