Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Ay Saarnaayeen Ugu Yaraan 9 Qof Oo Ku Burburtay Caasimada Iiran Ee Tehran.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 9 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Fatx ee ku yaalla caasimadda Iiran ee Tehran.

Warbaahinta Iiran ayaa ku warrantay in ilaa iyo hadda aysan jirin faahfaahin ku saabsan khaasaraha ka dhashay shilka diyaaradda.

Madaxa gurmadka deg deg ee dalka Iran Pirhossein Kolivand ayaa sheegay in uusan weli wax war ah ka helin shilka diyaaradda.

Warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in diyaaradda kasoo duushay garoon ku yaalla dalka Kyrgyzstan.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinayo diyaaradda oo holceysa.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this