Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Dilay Hal Askari, 3 Kale-na Ku Dhaawacay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala.

8ACEA71E-F26E-4003-A4C7-32EE8A7C335E_w10

Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM,. Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen.

Maamulka Puntland ayaanan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinkaan ay saacaduhu u dhexeeyeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this