Deeq A. Posted January 14, 2019 Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah xilalkooda ula wareegaya. Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo ay mas’uuliyiintan xilalka kula wareegayaan iyadoo aad loo adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe. Waxaa la filayaa in madaxdii hore ee Puntland ay halkaasi khudbado ka jeediyaan munaasabaddan, islamarkaana ka hadlaan wixii ay qabteen Shantii Sano ee lasoo dhaafay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-CAWIL-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites