Sign in to follow this  
Deeq A.

Duq magaalo oo isagoo masrax saaran uu ka khudbadeynayey mindi la galiyay+Muqaalka Sidii Mindida loo geeliley

Recommended Posts

Deeq A.   
polishmindi.jpg?resize=690%2C449

Duqa magaalada Gdansk ee dalkaasi Poland ayaa xalay mindi la galiyay kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysan toorey xilli uu khudbad ka jeediyay isu-soobax magaaladaasi ka dhacay.

Adamowicz oo duqan lagu magacaabo ayaa laga arkayaa muuqaalo laga duubay isago oo masrax taagan oo mindida dhowr jeer la galinayo, dabadeedna uu ruuxa falkaasi geystay oo ahaa nin uu mindida masraxa la wareegaya dabadeedna xoog kula hadlaya dadweynaha.

Madaxweynaha dalkaasi Poland Andrzej Duda, ayaa warbaahinta u sheegay in duqa magaalada Gdansk uu wali nool yahay islamarkaana ay takhaatiirtu la tacaaleyso dhaawiciisa culus.

Adamowicz oo 53-jir ah ayaa magaalada Gdansk ka ahaa duq magaalo mudo 20 sano ah, waxaana uu ahaa nin aad looga yaqaano magaaladaasi iyo dalka intiisa kaleba.

Nin 27 jir ah ayaa loo qabtay oo ka dambeeyay falkaasi, waxaana uu sheegay xilli uu xoog kula hadlayay dadweynaha in si khaldan xabsi ay u dhigeen xukuumaddii hore ee uu qeybta ka ahaa Adamowics.

Halkan ka daawo Muqaalka sidii Mindida loo geliyey:-

polishmindi1.jpg?resize=690%2C495

A man holding a knife shouts on the stage just after Gdansk’s Mayor Pawel Adamowicz was stabbed during an open-air 27th Grand Finale of the Great Orchestra of Christmas Charity in Gdansk, Poland January 13, 2019. KFP/Anna Rezulak via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. POLAND OUT.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this