Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Puntland Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Waxaa maanta lagu wadaa in Aqalka Madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe inay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni.

deni-iyo-gaas-714x437.jpg

Diyaargarowga munaasabadda xilka wareejinta ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,iyadoona la filayo in munsaabada ay ka qeyb galaan madax kala duwan iyo masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi u wareejinaya xilka madaxweynaha Puntland kaas oo uu muddo shan sano soo hayay iyadoona madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay iyo madaxweynihii hore ay khudbad kooban ka jeedin doonaan xafladda xil wareejinta.

8 bishan Janaury ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Garoowe uu ku guuleystay Dr Siciid Cabdulaahi Deni kaas oo noqday madaxweynaha 5-t sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this